/
Home » Archives by category » Video (Page 3)
DAAWO: Puntland oo diidey Mashruuca Gabdho Soomaaliyeed loogu dhoofinayo Sacuudi Careebiya

Dawladda Puntland ayaa diidey in ay gabdho Soomaaliyeed oo da’adoodu tahay 18-26 jir loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, qorshahaas oo ay soo saxiixeen wasiiro ka tirsan dawlada Faderaalka ee Soomaaliya, xili ay dalalka leh dawladdaha ee Uganda, Burundi, Kenya & Tanzania ula baxeen shaqaalihii ka joogay dalkas Sacuudi Careebiya. Wasaaradda Haweenka ee Puntland ayaa sheegtay in […]

Continue reading …
MUUQAAL XASAASI AH: Maxaa isku xiray doorashooyinka Muqdisho iyo Somaliland, Hagardaamada Beesha Caalamka!!

ISTANBUL(HAYENEWS)- Suxufi Simon Allison oo ka qeyb qaatay barnaamijka News Makers oo lagu falanqeenayey xaalada siyaasadeed iyo doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta, ayaa sheegay in Diblumaasiyiin reer Galbeed ah u xaqiijiyeen in ay ku cadaadiyeen Somaliland inay dib u dhigto Doorashadooda si looga soo hormariyo Doorashada Federaalka Soomaaliya. Barnaamijka News Makers oo ka baxay […]

Continue reading …
DAAWO: M/weynaha Somalia muxuu ka yiri Musuqmaasuqa dawladdiisa & Diidmada Puntland ee 4.5!!

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka TRT World oo su’aalo ka weydiiyey fadeexada Dowlada Federaalka ka heysata dhanka Musuq Maasuqa iyo waliba Diimada PUNTLAND ee ku aadan nidaamka Qabiilka ee 4.5. Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka jawaabayey arrinta Musuq Maasuqa ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu dhaawac ka soo gaaray magac xumada […]

Continue reading …
DAAWO: Rag lagu eedeyey in ay dileen Gabar Wariye ahayd oo dil lagu xukumay

Maxkamadda ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridey rag ku eedaysanaa in ay dileen Gabar Wariye ahayd oo u shaqeynaysay Tv-ga Dawladda Soomaaliya. Rag ayaan ku eedaysanaa dilka Wariye Hindiya Xaaji oo ay dileen kooxda Shabaab sida lagu sheegay Warbixino ay shaaciyeen Nabadsugidda Soomaaliya. Ciidamada Nabadsugidda dawladda Soomaaliya ayaa soo qabtay lix ruux oo […]

Continue reading …
DAAWO: Puntland ma ka qeybgashay shirka Turkiga

Ilaa hadda su’aallo badan ayaa ku xeeran amuurta ku aadan ka qeybgalka Puntland ee shirka maanta kusoo xirmaya dalka Turkiga, waxaana Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Soomaalida ee layska arko, wuxuu sheegay in ay Puntland joogto shirkan oo aysan cidna ka maqneyn, wuxuuna cadeeyey in ay rajo wanaagsan ka filanayaan shirkan. HAYENEWS ayaa ogaatay […]

Continue reading …
DAAWO: Xildhibaano & Siyaasiin ka soo jeeda Gobalka Gedo oo dhaliilay shirka Kismaayo

MUQDISHO(HAYENEWS)- Mudanayaal & Odayaal ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa si weyn u dhaliilay shirka Beesha Sadde uga furmay magaalada Kismaayo, waxa ayna sheegeen in lamarin habaabiyey shirkas oo ay arrintas ka shaqeysay dawladda Jubbaland. Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in shirkaas oo ahaa mid beeleed loo weeciyey mid siyaasadeed, ayna ka […]

Continue reading …
DAAWO: Baarlamaanka Soomaaliya oo ka shiraya Qaadka Kenya ay ku soo daabusho Soomaaliya.

MUQDISHO(HAYENEWS)- Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya Mudane C/laahi Jaamac oo lahadlay Tviga Soomalicabile ayaa sheegay in baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya ay ka fiirsanayaan xiriirka soomaaliya iyo kenya ka dhaxeeya. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in mudanayaasha baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya ay ka doodayaan xiriirka isla markaana ay hor dhigayaan mudanayaasha sidii loogu galay […]

Continue reading …
DAAWO: Madaxweynaha DFS & Wasiirkiisa Maaliyada oo ka hadlay arrimo badan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka qeybgaley munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ay ku soo bandhigtey Barnaamijka Daah-furnaanta Dowladda. Barnaamijkan ayaa hadafkiisu yahay diyaarinta macluumaadka guud ee dowladda, meel marinta sharciyo, xeerar iyo habab keeni kara in dowladdu xilkasnimo muujiso, shacabkana laga qeybgeliyo ka tala […]

Continue reading …
DAAWO: Shir Muqdisho uga furmay Taliyaasha Asluubta Xabsiyadda Soomaaliya

MUQDISHO(HAYENEWS)- Kulan gaar ah oo looga hadlayo sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen Talisyada ciidamada Xabsiyadda Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo laga wada hadlay sida loogu baahan yahay in wax badan laga qabto iskaashiga dhinacaas iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta talisyadan. Shirkan oo uu furay Raysalwasaare kuxigeenka dawladda Soomaaliya ayuu […]

Continue reading …
Page 3 of 3123