/

Banaan-bax Ka Dhan Ah Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Dhacay K/ Gaalkacyo & Sawiradiisii Oo La Fujiyay (Daawo)

Filed under: Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)-Banaan-bax kooban oo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Banaan-baxayaasha ayaa ahaa Tiro kooban oo Dhalinyaro u badnaa, kuwaasi oo ku dhawaaqayay erayo ay ku diidan yihiin Madaxweynaha iyo Safarka la filayo in ku Yimaado Koonfurta Gaalkacyo iyo Deegaanada Galmudug.

Muuqaalo Lagu Baahiyay Baraha Bulshada ayaa Muujinaya Dad Kooban oo isigu Soo Baxay Bartamaha koonfurta Gaalkacyo, Gaar ahaan Taalo yar oo ku Taala Aaga Jidka Sodanka, taasi oo lagu Sharaxay Sawirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Iyagoona ay Dadkaasi Fujinayaan Sawirada Madaxweynaha ee Halkaasi lagu Dhajiyay, Sidoo kalena ku dhawaaqaya Kalmado ay ku Diidan yihiin Madaxweynaha.

Halkaan Hoose Ka Daawo.

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *