GAROOWE(HAYE-NEWS)- Shaki ma saarna in ay siyaasad facweyn ka dambeyso dhaqdhaqaaqyada ciidan ee hadda ka socda magaalada Garoowe, kuwaas oo ay fulinayaan ciidamo ka soo jeeda gobalada Nugaal & Sool, sida ay sheegayaan warar soo baxaya. Xog la helay ayaa sheegaysa in ay ciidamadaas doraad ka baxeen magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku sii jeeday magaalada Garowe, […]
MUQDISHO(HAYENEWS)- Warsidaha Hayenews.com si toos ah uga daawo Doorashada gudoonka baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya oo ay hadda ku tartamayaan afar musharax oo kala ah, Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdifitaax Geeseey iyo Dr, Dakhtar. Guddoonka KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqorre ayaa hadlaya wuxuuna Xildhibaanada u sharaxayaa sida loogu baahan yahay […]
Continue reading …Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda dhageysanaya khudbaddaha Musharaxiinta u taagan qabashada gudoomiye-nimada baarlamaanka ee Soomaaliya. Waxaa jooga Mudanayaasha baarlamaanka iyo musharaxiinta oo jeedinaya khudbadahooda, waxaana lafilayaa in ay hadda bilaabaan Kalmadahooda. HALKAN HOOSE KA DAAWO
Continue reading …GAROOWE(HAYENEWS)- Doorashada xildhibaanada baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhaw ka bilaabatay magaalada Garoowe, iyadoo uu hadda socdo xaadirinta Ergada, waxaana dhacaya Loolan adag oo ku aadan ku guuleysiga Xildhibaanada. Beesha Warsangali ayaa tartanka ugu adag uu dhexmari doona oo lagu bilaabay doorashada, iyadoo ay labo meelood ka kala socdaan doorashada xubnaha Xildhibaanada.
Continue reading …Booliska Denmark, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu yahay Somali, kaasi oo gurigii uu deganaa laga helay waxyaabaha qarxa, sida ay sheegayaan Saraakiil Booliska ka tirsan. Ninkaan ayaa waxaa la geeyay maxkamad ku taal Magaalada Aarhus ee Bariga dalka Denmark, waxayna Maxkamada amar ku bixisay in muddo 4 isbuuc ah jeelka lagu sii […]
Continue reading …Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Sooomaaliya ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka gaabisay iney ka war heyso derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay Soomaaliya la wadaagto. Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda ay ku mashquulsan yihiin Siyaasadaha gudaha isla markaana ay Kenya bilowday iney dib usoo celiso qorshihii […]
Continue reading …Ciidanka Xoogga dalka oo ay wehlinayan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxa ay shalay isaga soo baxeen Deegaanka Goofgaduud, oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo. Labada ciidan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa soo galay Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay ka soo guureen fariisimahoodii Deegaanka Goofgaduud. Korneel C/laahi Sheekh Maxamed Baabu-raxmaan ayaa sheegay […]
Continue reading …Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Qandala ee Bari ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay gaabiga ku hayaan ciidanka maamulka Puntland , islamarkaana shalay gelinkii dambe ay ka dhaceen duqeymo ay geysteen ciidanka NATO oo habeen hore kusoo dhawaaday Xeebaha Magaalada Qandala ee gobolka Bari. Mid ka mid dadka Deegaanka ayaa sheegay […]
Continue reading …Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtogeliyey in xarunta ciidanka cirka dib loo howlgeliyo ku na dhiirigeliyey ciidanka in la siijoogteeyo dib-uhabeynta hay’adaha Amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “Waxaansigaar ah ugu mahadcelinayaa Taliyaha […]
Continue reading …Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis horudhac ka gaaray colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo , waxaana heshiiskaasi goobjoog ka ahaa hogaamiyeyaasha Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo sidoo kale dowladda imaaraadka Carabta.
Continue reading …