/

Akhriso Xasaasi:- Sidee U Sameysatay Dowlada Pakistan Hubka Khatarta Ah Ee Nukliyerka??

Filed under: Maqaal,Waraka Maanta,Warar |

(HayeNews.com)—aqoonyahan ah oo la yiraahdo Abdulqadir khan oo u dhashey dalka Pakistan ayaa dadaal dheer ka dib markii waxbarashadiisa uu dalkiisa ku dhamaystay ayaa waxaa u suura gashay Sannadkii 1972-kii inuu shaqo ka helay Hay’ada madaniga ah ee khaarada yurub u qabilsan cilmi baarista Nukliyeerka ee magaceeda la yiraahdo URENCO oo ku taala dalka Netherlands ama Holand iyadoo ay jirtay in waqtiyadaas dagaalo ay dhexmareen dalkiisa hooyo ee Pakistan iyo dalka ay cadawga yihiin ee Hindiya,dagaalkaas oo guuldaro xun lugu gaarsiiyay dalka Pakistan kadib markii ay Hindiya isticmaashay hub aad u culus oo aysan Pakistan haysanin, Abdulqadir khan oo ahaa Saynisyahan maskax furan oo wadani ah ayaa go’aansaday inuu ka faa’iidaysto fursadan dahabiga ah dalkiisa Pakistan-na uu u sameeyo hubka Nukliyeerka wax walba haku qaadatee si uu uga difaaco gardarada Hindiya oo iyadu haysatay Hubka Nukliyeerka.

Abdulqadir khan waxaa u suura gashay intii uu ka shaqaynayay hay’ada URENCO inuu si gaar ah isha ugu haayo naqshada dhisida Nukliyeerka ee shirkadaasi ay ka shaqaynaysay isagoo habeenkii oo dhan u soo jeedi jiray sidii uu ku heli lahaa xogta ku saabsan dhisitaanka hubkan dilaaga ah iyo sidoo kale shirkadaha iibiya qalabka laga sameeyo hubkan, kadib markii uu dhamaan helayna wuxuu Sannadkii 1975-kii isaga xaaskiisa oo dalka Netherlands ama Holand u dhalatay iyo caruurtiisiiba ay fasax u qaateen, dalkiisii Pakistan si uu ugu dhiso hubka Nukliyeerka waxaana dhacday dhawr jeer oo ay shirkadii la xiriirtay intii uu Pakistan ku sugnaa uu u sheegtay inuu xanuunsanayo iyadoo arintaas ay ka shakiyeen Sirdoonka dalka Holand waxaana ay bilaabeen baaritaan la xiriira dhaqdhaqaaqiisa.

Nin ay Saaxiib ahaayeen kana wada shaqeynayeen shirkadii URENCO laguna magacaabo Trevor Edwards ayaa sheegay inuu Abdulkadir Khan ugu yaraan uu si farsameysan u heley laba naqshadood oo ka hadlaya habka loo sameeyo hubka Nukliyeerka ah sidoo kalena inuu qaatay liiska shirkadaha iibiya qalabka loo isticmaalo dhisida Nukliyeerka (Raw Materials)

Sannadkii 1976-kii ayaa Abulkadir Khan wuxuu si rasmi ah uga bilaabay dhisidda hubka Nukliyeerka goobta lagu magacaabo “Kahuta” oo ku taala salka Buuralayda Himalaya ee dalkiisa Pakistan mashruucaasi oo si sir ahaan loogu yeeri jiray “706” waxaana mashruucaasi uu noqday kii ugu horeyay ee Nukliyeerka Bomb uu ku samaysto Dal Islaam ah, wallow ay dalalka Reer Galbeedku ay ka dalbadeen Abdulkadir Khan inuu joojiyo samaynta hubkan hadana Khan iyo dalkiisa Pakistan ba way ka dhaga adaygeen.

Hay’ada Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da waa ay ku adkaatay in ay si furan uga hadlaan Abdulkadir Khan damaciisa balse waxay shaki ka muujiyeen safarada uu ku tagayey dalka Shiinaha oo ahaa dalka 3-aad ee ugu awooda badan dhinaca Nukliyeerka, dabcana safaradiisu waxa ay la xiireen inuu helo naqshada madaxyada xambaara Nukliyeerka ee Shiinaha (Nuclear Warheads) taas oo uu ku guulaystay isagoo Khan sidoo kale dalka Waqooyiga Kuuriya kasoo qaatay naqshada samaynta gantaalaha, iyado goor dambe Hay’ada Sirdoonka Mareykanka ee CIA du si buuxda u heshay macluumaadka Abdulkadir Khan iyo sida uu ugu mashquulsan yahay inuu sameeyo xitaa Gantaalaha Nukliyeerka.

Laakiin maadaama waqtiyadaas ay ahaayeen horaantii sannadihii 80-meyadii, arintani ma ahayn mid uu Mareykanku isku sii mashquuliyo maxaa yeelay waxaa socday dagaalkii ka dhacayey dalka Afqanistaan oo uu kula jiray cadawgiisa Midowgii Sofiyeeti ee bur buray waxaana Mareykanku uu u baahanaa inuu saaxiib ku yeesho Gobolka khaarad u ekaha Hindiya si uu halkaasi dagaal dadban (proxy war) uga bilaabo Midowgii Sofiyeeti ee Ruushka una taageero Maleeshiyadii la dagaalamaysay Ruushka waxaana Mareykanka u muuqday Pakistaan inuu ka dhigto saaxiibkiisa gobolka, taas badalkeeda Mareykanku diyaar uma ahayn xiligaas inuu faragashado Barnaamijka Nukliyeerka Pakistan si uusan uga xumaanin qorshihiisa uu ku doonayey in Afqaaniyiintu kaga adkaadaan Midowga Sofiyeetka taas oo uu Abdulkadir Khan ka faa’iidaystay saaxiibtinamada siyaasadeed ee waqtigaa u dhaxaysay dalkiisa Pakistan Mareykanka waxuuna gaaray hadafkiisii.

Abdulkadir Khan oo haatan 81 jir ah waxuu ku noolyahay dalkiisa hooyo ee Pakistan gaar ahaan Magaalada Islamabad waana nin waqti dalkiisa uu u baahnaa garab istaagey iyadoo Pakistan ay tahay dalka keliya ee Muslim ah ee leh quwada Nukliyeerka,

SI AAD U HESHO WARAR DHEERAAD AH HALKAAN RIIX

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *